Soo tebinta wararka la xiriira deegaanka ama dhulkan aan ku noolnahay ayaa noqotay shaqo halis badan sida lagu sheegay warbixin cusub oo la daabacay maanta oo Jimca ah oo lagu soo beegay maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in boqolaal wariyeyaal ah 15-kii sanadood ee la soo dhaafay la weeraray, daraasin kalena lagu dillay xilli ay ku guda jireen soo tebinta wararka la xiriira isbedelka Cimilada, macdan qodista iyo xaalufka lagu hayo deegaanka.
Lisa Bryant ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Paris. Maxamed Cabdi Xassan ayaa inoo soo jeedinaya.
Your browser doesn’t support HTML5
Halista ay suxufiyiinta kala kulmaan soo tebinta wararka deegaanka