Dab xoog leh oo muddo todobaadyo ah ka socda qeybo badan oo ka mid ah keymaha gobollada Quebec iyo Ontario ee dalka Canada ayaa wili halis caafimaad iyo mid dhaqaale ku haya malaayiin qof oo ku nool dalalka Canada iyo Mareykanka.
Qiiqa kasoo baxaya dabkaasi ayaa caburiyay hawada gobollo badan oo ka mid ah dalkan Mareykanka oo uu ugu daranyahay gobolka Michigan.
Haddaba, maxaa loogu guulysan la’yahay in la damiyo dabkan, khasaaruhuse intuu la egyahay?
Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu Nur Hassan Nur weydiiyay Mohamed Hassan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan qeybta siyaasad-dejinta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimillada ee Cadanada, kuna nool gobolka Manibota ee dalka Canada.
Your browser doesn’t support HTML5
Dabka Keymaha Canada IV.m4a