Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa Arbacada maanta ah sheegay in duqaymo habeen hore ay Israa'iil ka fulisay waqooyiga iyo bartamaha Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.
Weerarkii ugu dambeeyey ayaa yimid ayada oo dagaalka Marinka Gaza uu sanad jirsaday, kuna dhinteen in ka abdan 40,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegee mas’uuliyiinta caafimaadka Gaza oo Xamas ay maamusho.
Warbixin ay VOA-da arrintan ka qortay waxaa soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.
Your browser doesn’t support HTML5
Gaza: Israel oo duqeyn cusub maanta ku dishay 18 qof