Ganacsiga Islii oo kasoo kabanaya saameynta dibadbaxyadii Kenya
Nairobi —
Ganacsiga Suuqa Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa kasoo kabanaya saamayntii ay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ay ku yeesheen rabshadihii ka dhashay dibadbaxyadii ka dhacayay magaalada Nairobi ee ay dhigayeen isbahaysiga mucaaradka Kenya.
Dhaq dhaqaaqa ganacsiga Suuqa oo inta badan hakad ku jiray maalmihii lasoo dhaafay ayaa si rasmi ah dib u hawl bilaabay kadib markii ay mucaaradka Kenya ay hakiyeen dibadbaxyada ay ka dhigayeen caasimada Nairobi.