Ganacsatada Soomaalida ee suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in tilaabooyinka uu madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu ku doonayo inuu wax uga qabto caqabadaha haysta ganacsiga waddankaasi ay yihiin kuwo meesha ka saari doona caqabadihii ganacsatada ka haysatay hay’adaha canshuurta.
Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa kamid ah ganacsatada wadankaasi ee ganacsaiyada kala duwan ku leh wadankaasi, kuwaasoo sanadihi lasoo dhaafay wajahayay culeys uga imaanayay dhanka dowladda Kenya. Cumar Ibraahim Xusein oo ah Xog-hayaha guddiga Ganacsatada Suuqa Eastleigh ayaa waxa ay ka filayaan dowladda cusub ee Madaxweyne William Ruto uga warramay Wariyaha VOA-da ee Naiorbi, Khadar Maxamuud Xareed.
Your browser doesn’t support HTML5
Ganacsatada Islii.mp3