Finland: Qoys Soomaaliyeed oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda

Finland

Magaalo la yiraahdo Vantaa, oo ku taalla duleedka magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki, ayaa lagu soo warramayaa in qoys Soomaali ah uu ku gubtay gurigii ay deganaayeen.

Allaah ha u naxariistee, hooyo la oran jirey Sahro Macallin Ibraahim iyo afar caruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay dabkaas.

Cabdulqaadir Axmed Macallin oo Qooje ku magac dheer, ilmo adeerna ay yihiin marxuumadda dhimatey ayaa wariyaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil uga waramay sida ay wax u dhaceen.

Your browser doesn’t support HTML5

Finland: Qoys Soomaaliyeed oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda