Faransiiska oo soo celiyey xaasaska iyo caruurta dagaal-yahanada Daacish

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay in Faransiiska lagu soo celiyey 35 caruur ah iyo 16 hooyooyin ah oo ku jirey, xeryo ku yaalla Waqooyiga Suuriya oo lagu hayo qoysaskii dagaal-yahanadii kooxdii Daacish ee ka dagaallami jirtay Suuriya iyo Ciraq.

Wasaarada Arrimaha Guddaha Faransiiska ayaa sheegtay, in caruurtan lagu wareejiyey addeeggyada Caruurta iyo Bulshada halka hooyooyinka wajihi doonaan dacwad maxkamadeed.

Warbixin gaar ah oo ku saabsan arrintan waxa magaalada London kasoo direy Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Your browser doesn’t support HTML5

Faransiiska oo soo celiyey xaasaska iyo caruurta dagaal-yahanada Daacish