Saraakiisha milatariga ee dalka Gabon ayaa sheegay inay awooddii dalka la wareegeen, isla markaana ay laaleen natiijada doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo gudidga doorashadu sheegeen inuu ku guulaystay madaxweyne Ali Bongo.
Haddii af-gambigani hirgalo waxay soo af-jaraysaa in ka badan 50 sano oo dalkaasi ay ka talinayeen qoyska reer Bongo.
Sahra Cabdi Axmed ayaa qalalaasahan kasoo kordhay waddanka ku yaalla Afrikada Dhexe ka waraysatay Professor Maxamed Mukhtaar oo macalin ka ah Jaamacadda Savanah State University ee gobolka Georgia ee Mareykanka.
Your browser doesn’t support HTML5
Fallanqeyn: Afgambiga ka dhacay dalka Gabon