Sawirrada Maanta: Sept. 9, 2015

Muhaajiriin isku daboolay go'yaal, si ay isugu diiriyaan, xilli qorax soo bixiina uu dhow yahay.
 

Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Jean-Claude Juncker ayaa dalalka xubnaha ka ah ururkaas ugu baaqay in ka hor toddobaadka xiga ay isku raacaan sidii ay u kala qeybsan lahaayeen 160,000 oo muhaajiriin ah.

 

 Junker ayaa ugu baaqay Europe in caqabadaha qaxootiga ku wajahaan si mideysan.

Hungary oo xirtay waddada weyn ee M5, kadib markii koox muhaajiriin ah ay soo jabsadeen magaalada Roszke xadka dalkaas uu la wadaago Serbia.

 

Muhaajiriin ka dul boodaya jidgooyo loo dhiggay, ayaga oo ka gudbaya magaalada Roszke.

Muhaajiriin isugu soo uruuray xero ku taal magaalada xadka Hungary iyo Serbia ee Roszke.
 

Halkan waa magaalada ku taalla dalka Macedonia ee Gevgelija, halkaasi oo qaxooti ay ku sugan yihiin xero qaxooti. September 8, 2015.

Muhaajiriin u badan Syrian iyo Ciraaqiyiin doonaya inay tagaan dalka Sweden, ayaa yimid magaalada Rodby, waxayna diidayaan inay ka tagaan tareenka si loo diiwaan geliyo. Wiilkan yar, wuxuu la oynayaa si uu uga hortago in hooyadiis la kaxeeyo.

Waa qaxooti ka yimid Syria oo baaritaan caafimaad ku helaya xarunta Hubert Renaud ee magaalada Cergy-Pontoise, oo u dhow magaalada Paris.