Caalamka Dilka gabar Soomaali ah oo caro ka abuuray dalka Canada Nofembar 16, 2022 Toronto — Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo billowgii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada. Qof lagu eedeeyay dilka ayaa markii dambe dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaalida oo hadda qorsheynaya dibad bax ay caddaalad ku dalbanayaan. Wariyaheena Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan Canada inooga soo direy Your browser doesn’t support HTML5 Gabar Soomaali ah oo lagu diley dalka Canada.mp3