Dibad-baxyada looga soo horjeedo dowladda Kenya oo mar kale billowday

FILE PHOTO: Riot police officers detain a supporter of Kenya's opposition leader Raila Odinga as they participate in a nationwide protest over cost of living and President Ruto's government, in Mathare settlement of Nairobi, March 30, 2023.

Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday koox yar oo mudaaharaad ka dhigayay magaalada caasimadda ah ee Nairobi maanta oo Talaado ah, iyadoo mucaaradka ay dib u billaabeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Kenya oo socday muddo bil ah.

Isbaheysiga ugu weyn mucaaradka ayaa bishii March dhigay mudaaharaad qaatay saddex maalmood ay kaga soo horjeedaan maciishada qaaliga ah iyo wax isdabamarin ay sheegeen in lagu sameeyay doorashadii sanadkii hore, taasoo hogaamiyahooda Raila Odinga uu kaga guuleystay madaxweyne William Ruto.

Mudaaharaadyadaas waxaa hareeyay isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dibadbaxayaasha, iyo sidoo kale dhacdooyin rabshado ah oo go'doonsan, oo ay ku jirto dhacdo uu wasiirka arrimaha gudaha Keithor Kindiki ku tilmaamay "gubis bareer ah" markii kaniisad iyo masaajid lagu gubay xaafadda Kibera ee magaalada Nairobi.

Odinga ayaa hakiyay banaanbaxyada horraantii bishii April, isagoo oggolaaday inuu wadahadal la yeesho wakiillada Ruto. Balse waxa uu markii dambe ku dhawaaqay in dibedbaxyadu ay dib u bilaabanayaan, isagoo ku eedeeyay dowladda inaysan si daacad ah ugla gorgortamin.

Telefishin laga leeyahay dalka Kenya ayaa Talaadadii maanta soo bandhigay ciidamada booliska oo ku ridaya sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay u kala eryaan dad yar oo mudaaharaad ka dhigay xaafadda Mathare ee magaalada Nairobi, sidoo kale waxaa la arkayay muuqaal bas yar oo lagu gubay bartamaha magaalada.

Reuters.