Sawirrada Maanta: Dec. 3, 2015

Shimbir badeedyo dul taagan sawirro dhagxaan oo ku yaalla meel biyo ah oo ku yaalla magaalada Paris.

Dad kasoo horjeeda dagaalka, oo ku dibad-baxaya banaanka aqalka baarlamanka Britain ee magaalada London.

Nin ka tirsan booliiska Macedonia oo dharbaaxaya qof muhaajir ah oo isku dayaya inuu dalkaas kasoo galo xuduudda Greece.

Folkaano ka qaraxday meel baadiye ah oo ku dhow magaalada Leon, ee dalka Nicaragua.
Baabuur ku dhex xanniban xeen idayaal ah oo socda waddo ku taalla magaalada Bad Koetzting, ee koonfurta Jarmalka.
Xubno ka tirsan ciidamada badda India oo qoryo dab ah haysta, ayaga oo ka qeyb-galaya dabaal degga maalinta ciidamada badda ee magaalada Mumbai.
Dad ka qeyb-galaya barnaamij loogu tala-galay in lagu dhiiri-geliyo jimicsiga ayada oo baaskiil lagu dhex wadayo meel xiran.