Sawirrada Maanta: Oct. 3 2015

Nin iska soo tuuray sarta dherekeedu yahay 300 ee mitir ee magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, isaga oo ka qeyb-galaya tartan boqol qof ay ka qeyb qaadanayaan.

Carruur Iskuul loogu labisay sida Mahatma Gandhi, kuwaasi oo ka qeyb-galaya munaasabad lagu dhigayo rikoorka cusub ee Guiness World Record, ee ah dadkii ugu badnaa ee abid usoo labista sida Gandhi, sidoo kalena xusaya dhalashadiisa 146-aad, ayaga oo ku sugan magaalada Bengaluru, India.

Duufaanta Joaquin oo laga arko dusha sare ee jasiiradda Bahamas, sida ka muuqata sawirkan uu qaaday Scott Kelly oo ah cirbixyeen ku sugan xarunta dayax gacmeedyada ee hawada sare.

Faras ku socda keymaha banaanka magaalada Almaty ee dalka Kazakhstan.

Xiddigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo oo dhunkanaya lug ka sameysan qalin oo la siiyey, kadib markii uu noqday qofka ugu gool dhaliska badan taariikhda kooxdaas, isaga oo dhaliyey 324 gool.

Shaqaalaha gargaarka oo sida meydka qof ay kasoo qaadeen meel dhulka kula go'ay kadib roobab xooggan oo ka da'ay deegaanka Santa Catarina Pinul ee magaalada Guatemala City ee dalka Guatemala.

Dadka oo daawanaya hirarka badda Atlantic, ayada oo roobab xoogan ay ka da'een xeebta Carolina Beach ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, sidoo kalena ay kusoo wajahan tahay duufaanta Joaquin.

Booliiska Xuduudda Israel oo xiray dibadbaxe isku dayey in waddada xanibo, xilli dadka ay ka mudaaharaadeen markii qof hubeysan oo Falastiini ah uu dilay qof yahuudi ah.

Antonio Costa (Dhexe), hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Portugal ee Socialist party (PS), oo ka qeyb-galaya olole ka dhacaya magaalada Lisbon, Portugal.  Doorashada dalkaas ayaa dhici doonta October 4.

Calaamad muujineysa duco loo dalbayo magaalada Roseburg ee gobolka Oregon, halkaasi oo jaamacad ku taalla uu qof hubeysan ku dilay dhowr iyo toban qof, tobaneeyo kalena uu ku dhaawacay.