Dacwadda fadeexaddii Abu Ghuraib oo ka furmaysa Mareykanka

Sawirkan oo ay heshay AP, ayaa muujinaya askari lagu magacaabo Cpl. Charles A. Graner Jr. oo feeraya qaar ka mid ah maxaabiista oo dhulka jiifa ayagoo garbo duuban sanadkii 2003, xabsiga Abu Ghraib ee Baghdad, Iraq.

Labaatan sano ka hor bishan oo kale, sawirro la soo bandhigay oo la xiriira dad maxaabiis ah oo la jir-dilayo iyo askar Maraykan ah oo ilka-caddeynaya, kuwaas oo ku sugnaa xabsigii Abu Ghuraib ee dalka Ciraaq, ayaa adduunyada ka yaabiyey.

Haddaba saddex qof oo ka mid ahaa dadkii la jir dilay ayaa fursad u helay in dacwadooda laga dhigaysto maxkamadaha Maraykanka, iyaga oo dacweeyey shirkaddii amniga ee xabsiga maamulaysay oo magaceedu yahay CACI.

Haddaba goorta ay bilaabnayso iyo faafhaahinta dacwaddan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka wareystay Ibraahim Maxamed Maxamuud (Mustashaar) oo arrimaha Carabta aqoon u leh, kuna sugan gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Dacwadda fadeexaddii Abu Ghuraib oo ka furmaysa Mareykanka