Ciidamada Ukraine oo laga qabsaday magaalo kale oo muhiim ah
Zelensky
Kyiv —
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wacad ku maray in uu dib u hanan doono dhullka la qabsaday ay gacanta ku hayaan ciidamada duulaanka soo qaaday Ruusha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadiisu ay haystaan hub casri ah oo arrintaasi u sahlaya.
Hadalka Madaxweynaha Ukraine ayaa ku soo beegmaya ka dib markii ay ciidamadiisu ka baxeen Lysychansk, oo ah magaaladii ugu dambeeyay ee ay Ukraine gacanta ku haysay ee bariga gobolka Luhansk.
Warbixin ay VOA arrintan ka diyaarsay waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre.
Your browser doesn’t support HTML5
Ciidamada Ukraine oo magaalo muhiim ah laga qabsaday