Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Talaadadii ku eedeysay ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya inay afduub, jirdil iyo dil u geysteen dad la rumeysan yahay inay hogaaminayeen mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda dalkaasi ee dhacay intii u dhexeysay bilihii June iyo August.
Dibabaxyada ayaa salka ku hayay caro ka dhalatay xeerkii canshuur kordhinta ee ay soo rogtay xukuumadda Kenya, taasi oo markii dambe ay dowladda ka laabatay.