Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey dambiyo dagaal

Hay'adda Xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedayasay Ciidamada Ethiopia in ay toogasho ku dileen dhowr iyo toban qof oo rayid ah.

Hay'adda ayaa sheegtay in ciidamada Ethiopia ay dambiyo dagaal ku galeen magaalada Merawi ee gobolka Amxaarada ee waqooyi-galbeed ee Ethiopia, 29-kii Janaayo 2024.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay joojiyaan in ciidamada Ethiopia ay ka sii qayb ahaadaan hawlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah, illaa lagala xisaabtamayo xadgudubyada ba'an, sida ay Hay’addu hadalka u dhigtay.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey dambiyo dagaal