Khubarada dhinaca ammaanka ee Qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujiyey isticmaalka sii kordhaya ee kooxaha argagixisada ay adeegsanayaan dayuuradaha Drone-ka, iyo sidoo kale ciidamada dowladaha oo doonaya inay iyana adeegsadaan kuwo ka casrisan kuwa argagixisada.
Inkastoo argagixisadu aysan weli Drones u adeegsan weerarada, haddana fallanqeeyayaasha ayaa walaac ka qaba in marka ugu danbeysa ay noqon karaan dayuuradahan kuwo wax ka beddela isu dheeli tirnaanta awoodeed.