Britain oo 'wadaxaajood' kula jirta Taalibaan

Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa Axadda maanta ah sheegtay in dowladda UK ay “wadaxaajood” kula jirto kooxda Taliban ee xukunta Afghanistan kadib markii saddex nin oo British ah ay kooxdu xirtay.

“Dowladdu waxa ay wadaxaajood la waddaa si adagna uga shaqeyneysaa in la xaqiijiyo badqabta dadkeenna” ayay Braverman u sheegtay Sky News.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si adag uga shaqeyneyso sidii ay xiriir ula yeelan lahayn muwaadiniinta British-ka ah ee ku xiran Afghanistan.

Laba nin oo ka mid ah raggan ayaa la aaminsan yahay in ay Taliban u xiran yihiin ilaa bishii January.

Ma cadda inta uu xiran yahay ninka saddexaad ee u dhashay Britain.