Aqalka Cad oo shaaciyay dakhliga soo galay madaxweyne Biden, imisa ayuuse canshuur ahaan u bixiyay?
USA-BIDEN/
Washington —
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa, Jill, ayaa Jimcihii si rasmi ah u soo bandhigay cashuur-celinta dakhligii soo galay sanadkii tagay, taasoo muujinaysa in lammaanuhu ay heleen in ka badan $600,000 sannadkii hore iyaga oo bixiyay cashuurta dakhliga ee dowladda federaalka ah oo dhan 24.6%.