Gesma waa 14-jir ka soo carartay gobolka Darfur ee Suudaan kaddib markii maleeshiyaad hubaysan ay dileen waalidiinteed iyo walaalkeed. Arrintan ayaa ku khasabtay inay daryeesho walaalaheeda ka yar-yar.
Hadda oo ay ku nooshahay xero qaxooti oo ku taal Chad, saacado badan ayay shaqaysaa si ay u quudiso qoyskeeda, taasoo ah xaqiiqo ay la wadaagaan carruur badan oo ay barakiciyeen rabshadaha ka socda Darfur.
Warbixintan waxaa soo diray Henry Wilkins, waxaana soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandhere.