Muran ka dhashay lacag ay soo roogtay DF

Your browser doesn’t support HTML5

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ka hor-timid lacag la sheegay in wasaaradda caafimaadka ay kusoo rogtay dadka ka dhoofaya iyo kuwa soo galaya Soomaaliya, lacagtaas ayaa la sheegay in ay la xiriirto tallaal looga hortagayo cudurrada faafa qaar oo dalka laga hirgeliyay.