Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa ka digay in colaadda ka sii dareysa ee bariga DR Congo ay dhalin karto dagaal ka dhaca gobolka.
Kooxda M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa xoog ku qabsatay magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyadoo u sii socota dhanka koonfureed.
Weerarka ayaa ah kii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhaca, iyadoo dad lagu qiyaasay in ka badan lix milyan oo qof ay ku dhinteen colaadda sodonka sano socotay.
Madaxweyne Evariste Endeyishimiye ayaa sheegay in haddii Rwanda ay sii waddo qabsashadeeda uu ogyahay in dagaalku uu xitaa gaari doono Burundi.
Madaxweynaha Burundi oo hadalkiisa la soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in hadii bariga Congo aaney nabad helin, gobolku uusan nabad heli doonin.