Tanal qarsoodi ah oo isku xirayay Mexico iyo Mareykanka oo la helay

God dhulka hoostiisa looga qoday si qarsoodi ah oo dhowaan laga helay xadka Mareykanka iyo Mexico kaasi oo isku xirayay magaalada Ciudad Juarez ee Mexico iyo magaalada El Paso ee gobolka Texas ee Mareykanka ayaa lagu warramayaa in ay xiri doonto dowladda Mexico, sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa Sabtidii sheegay, isagoo intaa ku daray in dhismaha tunnelkaasi uu hadda ku socdo baaritaan.

Hay’adaha amniga ee Mareykanka iyo Mexico ayaa godkan ama tanalkan ka war helay 10-kii Janaayo, waxaana cabbirkiisu uu qiyaastii yahay 300 mitir oo dherer ah kana bilowda dhinaca Mexico wuxuuna ku qalabaysan yahay nalal, hawo u sahleysa in dadku adeegsadaan, waana mid xooggan si looga hortago inuu burburo.

Godkan oo lagu qariyay agabka bullaacadaha ayaa isku xirayay labada magaalo, dherirka joogiisa waa ilaa 1.8 mitir, halka ballaciisu yahay 1.2 mitir, taasi oo ka dhigaysa marin dadka ama alaabada koontarabaanka ah si fudud looga soo gudin karay, ayuu yidhi General Jose Lemus, taliyaha guutada militarigan Ciudad Juarez oo ilaalinaya tunnelka.

Dhismaha tanal-ka ayaa qaatay "waqti dheer...waxa uu noqon karaa hal ama laba sano," Lemus ayaa u sheegay warfidiyeenka, isaga oo diiday in uu tafaasiil ka bixiyo muddada uu shaqaynayey iyo sidoo kale cidda dhistay iyo hawl-wadeenada ka shaqeynayayba.