Israel oo 20 qof ku dishay qarax weyn oo ka dhacay Beyrut

Lebanon Israel

Israel ayaa Sabtidi shalay sii wadday duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay bilihi dhawaa ka wadday dalka Lubnan, iyadoo qaraxi shalay oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa lala beegsaday bartamaha caasimadda Beyrut.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxi shalay oo dhacay iyadoo aaney ciidamada Israel bixin wax digniin ah lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 66 kale.

Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxani uu noqonayo, kii afraad oo ay Israel ku bartilmaameedsaneyso bartamaha magaalada caasimadda ah ee Beyrut marki afraad wax ka yar hal todobaad.

Duqeymo kale oo kala gaar ahaa oo ay Sabtidi ciidanka Israel ku rusheeyeen magaalooyinka Suur iyo Shamistaar ee koofurta iyo bariga Lubnan, ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 10 qof.

Israel wali wax war ah kama soo saarin duqeymihi Sabtidi, hase yeeshee xiisadda sii kululaaneysa ee Israel iyo Xizbullah ayaa imaneysa xilli uu todobaadki hore ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe Amos Hochstein uu u safray Mandiqada si uu isugu dayo xal heshiis xabbad joojin ah oo lagu soo afjaro colaadda.

Duqeymaha Israel ay ka waddo Lubnan tan iyo sannadki hore ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 3,500 oo Lubaniis ah, halka ay ku barakaceen in ka badan 1.2 milyan oo ruux sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Dhanka Israe ilaa 90 askari iyo ku dhawaad 50 rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka Xizbullah iyo Israel ee xadka iyo duqeymaha ay Xizbullah ku garaaceyso waqooyiga Israel.