Falastiiniyiin kale oo Sabtidii lagu dilay Gaza

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Israel ka geysteen Sabtidii Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Israel ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi la soo dhaafay ay howlgallo ka wadeen.

Hay'adaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsan yihiin Jabaaliyah, isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Israel halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka.

19 qof ayaa lagu dilay habeenki Sabtida, galka gelinkii danbe ee shalayna 10 kale ayaa lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Israel ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

Milatariga Israel ayaa Sabtidii shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal.

Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.