Aqalka Hoose ee baarlamaanka Kenya ayaa Talaadadii u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadib markii lagu soo oogay eedo ay ka mid yihiin musuq-maasuq, iyo in uu abuuray naceyb dhinaca isirka ah.
Codka baarlamaanka ay ku ogolaadeen xilka qaadistiisa ayaa waddada u xaaraysa in aqalka senate-ka uu u fariisto mooshin uu ku eegayo xil ka xayuubintiisa ugu danbeysa.
Tallaabadan ayaa timid kadib muddo la sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyey madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweyne William Ruto.