Dagaalka Gaza oo sannad jirsaday

Sannad ayaa maanta laga joogaa marki uu billowday duullaanka ay Israel ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel.

Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israel gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan.

Duqeymaha cirka ah ee Israel ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac.

Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyfa.

Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Israel, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Israel.

Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi.

Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Israel ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza.

Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Israel ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Dhanka Israel, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Israel ayaa lagu wadaa in lagu qabto Israel.

Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastiin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza.