Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo Bangiga aduunku ay lacago deeq iyo amaah isugu jira siiyeen dawladda Itoobiya oo mudooyinkii udambaysay la daalaa dhacaysay dhaqaalo xumo, arrintaas ayaa ka dambaysay kadib markii ay dawlada itoobiya u hoggaansatay shuruudo lagu xiray si gacan looga siiyo dhaqaalo xumo ka jirta dalkaasi.
Qorshahan cusub ayey dawlada Ethiopia ku tilmaamay dib u habaynta dhaqaalaha dalka, iyada oo dhinaca kalena xayiraadii ka qaadday sarrifka lacagaha qalaad.
Haddaba Mustafe Barkad oo ku takhasusay arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa VOA uga waramay, sababaha xilligan keenay in Ethiopia ay qaadato qorshahan cusub, weriyaha VOA ee magaalada Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa ayuu u waramay.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhaqaalaha Ethiopia