Dadka reer Venezuela ayaa Isniinta maanta si walaac leh u sugaya natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Axaddii shalay, taas oo u gogol xaari karta in la soo afjaro 25 sano oo uu dalkaasi ka arriminayay hal xisbi.
Madaxweyne Nicolás Maduro, oo raadinaya muddo xileedkiisii seddexaad, ayaa doorashadan kula kulmay caqabaddi ugu adkeyd tan iyo marki uu talada la wareegay, ka gadaal marki uu si lama filaan ah taageerayaal aanan caadi aheyn u helay murashaxi ka socday xisbiga mucaaridka.
Edmundo González, oo ah diblumaasi hawlgab ah oo aan horay looga aqoon saaxadda siyaasadda Venezuela, ayaa bishi April noqday murashaxa xisbiga mucaaridka.
Hadda, waxaa suura gal ah in uu ku guuleysto doorashadi Axadi, iyadoo taageerayaashiisu sheegeen in ay rumeysan yihiin in ay doorashada ku guuleysteen, wallow aanan si rasmi ah loo soo saarin natiijo hor dhac ah ama natiijada rasmiga ah.
Maduro, oo dib u doorashadiisii sannadki 2018-ki ay dowlado uu Mareykanka ku jiro u arkaan mid aanan sharci ku dhisneyn, ayaa sheegay in Venezuela ay ka mid tahay dalalka ugu daah-furan marka ay timaado doorashooyinka, balse ka digay in dhiig badan uu dada doono, haddii uu guul darreysto.
Natiijada doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha hore ee Isniinta maanta xilliga Venezuela lagu dhawaaqo.