Ukraine ayaa shaacisay maanta oo Talaado ah in ay tahay maalin tacsi qaran ah; xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay-na waxay iskugu imanayaan kulan degdeg ah kadib markii sawaariikh ay soo ridday Raashiya ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof, in ka badan 170 kalena ay ku dhaawacmeen.