In ka badan hal milyan oo qof oo maanta taagan Buurta Carrafa

Banka Carrafo

In ka badan hal milyan oo Musliimiin Xujay ah ayaa maanta oo Sabti ah taagan Buurta Carrafa, si ay u gutaan tiirka ugu weyn ee tiirarka Xajka.

Muslimiintaasi ayaa waxaa ku jiro kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuti, Kenya, Itoobiya, iyo dhammaan qaaradaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Berro oo Axad ahna, guud ahaan Muslimiinta Caalamka ayaa u dabaal-dagi doona Ciidda Carrafo. Meelaha looga diyaar garoobayo waxaa ka mid ah magaalada Jigjiga, sida uu warbixintan ku eegayo, Maxamed Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

DIYAAR-GAROWGA CIIDDA.m4a