Iyadoo qaar ka mid ah cod-bixiyayaasha ay ogyihiin cidda ay u codayn doonaan doorashada Arbacada ka dhici doonta dalka Koonfur Afrika, ayaan qaar kalena weli aysan go'aansan.
Mid ka mid ah cod-bixiyaasha oo ku sugan waddooyinka Johannesburg ayaa VOA u sheegay in uu doonayo in uu codkiisa u dhiiban doono xisbiga African National Congress, oo ah xisbiga ka talinayay Koonfur Afrika tan iyo 1994-tii, markaasi oo Nelson Mandela loo doortay madaxweynaha Koonfur Afrika markii uu dhamaaday midab-takoorka horraantii sagaashameeyadii.
Warbixin dheer oo ay diyaarisay Mariama Diallo waxaa inoo soo koobeysa Caasha Ibrahim Aaden.