Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya waddanka Niger

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times.

Kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha drones-ka ee loo yaqaan Air Base 201 ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Haddaba, saameynta ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Niger ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Cabdinuur Ibraahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo ammaanka kuna sugan magaalada Liverpool ee UK.

Your browser doesn’t support HTML5

Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya Niger