Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa xaley ka dhacay doorashadii is reeb reebka ee gobolkaasi kusoo baxay Soomaalidii ugu badneyd ee doorasho ka tartanta gobolkaasi.
Ismaaciil Maxamed, oo ka tartamey xildhibaan Degmada 3aad iyo Munira Cabdullaahi oo laga soo doortey demgada 9aad oo labadooduba ka tirsan xibsiga Dimoqraadiga ah ayaa helay kuraastii xildhibananada heer gobol ee Aqalka Wakiillda oo ay u tartameen dhinaca xisbiyadooda.
Haddaba, Sahr Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ku wareystey xildhibaan Ismaaciil Maxamed oo markale loo doortey booskiisii xildhibaanka degmada 9-aad.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysiga Ismaaciil Maxamed
Dhinaca kalena, Soomalidii xalay ku soo baxday doorashooyinkii is reeb-reebka ahayd ee gobolka Ohia waxaa ka mid ah Xuseen Jaabiri oo ka soo baxay dhinaca xisbiga Jamhuuriga isagoo oo u tarmayay degmada lixaad ee golaha deganaka ee Columbus.
Ma jirin cid Xuseen Jaabiri kula tartantay kursigaasi. Hase ahaatee waxay doorashada guud ee November ku tartami doonaan kursigaasi musharraxa kasoo baxa dhinaca xisbiga Demoqraadiga.
Caasha Ibraahim Aaden oo kula xiriirtay khadka taleefanka ee Ohio ayuu uga warramay sida uu arko doorashadii xalay iyo inuu noqdo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee degmada lixaad?
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysiga Xuseen Jaabiri