Maxkamad ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareynakka ayaa lagu wadaa inay maanta xukunto nin ku eedeysan inuu dilay Shekh Maxamed Xasan, oo kamid ahaa culumada Soomaaliyed ee woqooyiga America.
Nin kale oo isagana ku lug lahaa dilka Sheekha ayay maxkamadda maalin ka hor xukun xabsi oo muddo dheer ay ku ridday, kadib markii lagu helay kaalintii uu ku lahaa.
Shekh Maxamed Xasan oo ahaa imaamka Masjid ku yaalla magaalada Clombus ayaa la dilay bishii December ee sanadkii 2021-kii.
Tan iyo xilligaas ehellada Sheekha iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaalida ayaa u taagnaa dacwadiisa iyo sidii loo maxkamadeyn lahaa ciddii dishay.
Ganacsade Cabdishakuur Salaad Maxamed oo ka mid ah ehellada marxuumka ayaa sheegay dacwadda lagu wado in maanta ay maxkamadda soo gababayso.
Cabdulqaadir Samakaab ayaa wareystay Ganacsade Cabdishakuur.
Your browser doesn’t support HTML5
Nin ku eedeysan dilka Sheekh Maxamed Xasan oo maanta la xakumayo