Maxkamadda sare ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa maamulka gobolkaas ku raacday in macallimiinta dhiga dugsiyada hoose ilaa sare laga qaado intixaan lagu ogaanayo aqoontooda dhanka xisaabta, kahor inta aanan la shaqaaleysiinin.
Gobolka Ontario waxaa deggen Soomaalida ugu badan ee Canada, waxeyna kamid yihiin macallimiinta ay saameyneyso arrinkan.