Warbixin ku saabsan booqashada King Charles ee Kenya

KENYA-BRITAIN-ROYALS-DIPLOMACY

Boqorka Biritan oo loo yaqaan Boqor Charles-kii Saddexaad iy0 xaaskiisa Camilla ayaa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tago waddan Barwaaqo-Sooran ah tan iyo intii uu la wareegay kursiga ku jooga Kenya.

Boqor Charles oo Kenya joogaya muddo afar maalmood ah ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto. Safarkka Boqor Charles waxaa hareeyay baaqyo ay dadka Kenyanka ah ay u soo jeedinayaan Charles inuu raalli gellin iyo mag dhow uu ka bixiyo tacdiyo ay Kenyanku sheegeen in Biritan ka gaysatay dalka Kenya xiligii uu gumaysan jiray Kenya.

Charles iyo Ruto ayaa sidoo kale ka wad hadlaya xoojinta iskaashiga Kenya iyo UK. Warbixintan waxaa inoo soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Booqashada KING CHARLES ee Kenya