Barnaamijka Bandhigga VOA ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa dagaalka sokeeyey ee ka dhex qarxay Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo galaaftay Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy oo xilka laga xayuubiyay, kadib markii xubno ka tirsan xisbigiisa ay ku biireen xisbiga Dimoqraadiga.
Waxaan sidoo kale barnaamijka ku eegeynaa taariikhda xilka guddoomiye ee Aqalka Hoose.
Waxaa barnaamijka soo diyaarisay, soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.