Magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida waxaa habeenkii xalay ahayd ka kacay dab aad u xoogan oo baabi’iyay suuqa Taiwaanka ee magaalada. Dabka ayaa sabababay khasaare hantiyeed oo aad u badan.
Mas’uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa sheegay in 932 dukaan ay ku gubteen dabka. Sidoo kalana, dawladda ayaa ku dhawaaqday guddi baaritaan ku sameeya khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee dabka kicisay.
Warbixintan waxaa Jigjiga ka soo diray wariyaha VOA, Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.
Your browser doesn’t support HTML5
Dab xoogan oo baabi'iyay suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Jigjiga