Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ee sanadkaan qorshaynayay inay soo gutaan ayaa ka walaacsan in aysan u suurta gelli karin sababo la xiriira dadka doonaya inay xajiyaan oo aad u badan, tirada xujayda la oggal yahay oo kooban iyo sidoo kale go’aamo cusub oo dowladda Sacuudiga ay sanadkan u dajisay xajka.
Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa arrimahasi ka waraystay Sheikh Cabdiraxmaan Aadan Cadaani oo madax ka ah xarunta Manaar ee bixisa adeegyada xajka.