Coladda Sudan oo gashay toddobaadkii saddexaad

United States Sudan Evacuation

Duqeyno dhinaca cirka ah iyo madaafiicda goobta ayaa Sabtidii shalay gilgilay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda Sudan ee Khartoum, xilli uu todobaadki saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga RSF.

Warbixin ay wakaaladaha wararka iyo Al-jazeera ka qoreen, waxaa inoo soo koobaya Maxamed Bashir Cabdiraxman.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Sudan

Dhinaca kale, Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, in boqollaal muwaadiin Mareykan ah oo kasoo cararay dagaalka magaalada Khartoum, inay gaareen magaalada dekedda leh ee Port Sudan.

Warbixin ay wakaaladda wararka ee AP arrintan ka qortay waxaa inoo soo koobaya Cabdulqadir Maxamed Mursal.

Your browser doesn’t support HTML5

Daadguraynta muwaadiniinta Maraykanka ee Sudan