WHO oo ka digtay khatar caafimaad oo ka dhalan karta shaybaar gacanta u galay dagaalyahannada Sudan
FILE PHOTO: Smoke rises over the city as army and paramilitaries clash in power struggle, in Khartoum
Khartuum —
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay khatar caafimaad oo kasoo socota shaybaar ku yaalla magaalada Khartuum ee dalka Sudan oo ay galeen ciidamo ka tirsan dhinacyada dagaallamaya.
WHO ayaa sheegtay in shaybaarkaas ay ku kaydsan yihiin noocyada ama muunadaha xanuunno ay ka mid yihiin dabaysha iyo jadeecada.
Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP waxaa inoo soo akhrisay Sahra Ciidle Nuur.