Biden oo ku dhawaaqay inuu mar kale tartamayo doorashada 2024

USA-ELECTION/BIDEN

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu u tartamayo mar kale doorashada 2024, waxaana uu sheegay inuu doonayo 'inuu dhammeystiro shaqo qabyo ah' sida uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

"Jiil kastaa wuxuu leeyahay waqti ay u istaagaan dimuqraadiyadda, si ay ugu istaagaan xorriyaddooda aasaasiga ah, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay annaga, waana sababta aan ugu tartamayo inaan mar kale noqdo madaxweynaha Mareykanka. nagu soo biir. Aan dhammeystirno shaqada," ayuu Biden ku yiri muuqaal uu baahiyay.

Warbixintantan ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cusmaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Biden oo ku dhawaaqay in uu mar kale tartamayo.m4a