Tirada ardaydii ugu badneyd iyo muwadiniin kale oo Soomaali ah oo soo gaaray dhawaan magaalada Qadaarif ee bariga Sudan iyagoo ka soo cararaya colaadda ka taagan magaalada Khartuum ee caasimadda ah, halkaasi oo dagaallo ku dhex marayaan ciidamada dawladda iyo kuwa uu hoggaamiyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Daglo ee loo yaqaan Dacmu Saraiic.
Soomaalida soo gaartay Qadaarif ayaa ka cabanaya duruufo adag sida uu warbixintan ku soo diray weriyahayaga Xasan Kaafi Qoyste oo la xiriiray Soomaalida Qadaarif.
Your browser doesn’t support HTML5
Xaaladda Soomaalida ka qaxeysa Sudan
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee guud ahaan Soomaalida ku sugan dalka Suudaan iyo dadaadka dawladda Soomaaliya ayuu Haaruun Macruuf ka waraystay safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq oo haatan ku sugan dalka Masar.
Your browser doesn’t support HTML5
Halkan ka dhageyso wareysiga Safiirka Soomaaliya ee Suudaan