Guud ahaan bisha Ramadaan dad badan oo dhalinyaro u badani waxay isku dayaan in ay joojiyaan balwadaha aan ku wanaagsaneyn diinta islaamka oo sigaarku ka mid yahay. Dhinaca kale caadiyan bishan muslimiin badan ayaa qaata go’aamo ay noloshooda waxyaabo badan kaga bedelaan.
Haddaba dhalintaasi jecel in ay balwada joojiyaan qaarkood wey ku guuleystaan halka qaarna ay sii wadaan Ramadan kadib.
Ibrahim Saleebaan waa wiil dhalinyaro ah oo deggan magaalada Sheffield ee dalka Britain, daraasad ayuu ka sameeyey cilmi nafsiga caadada joogtada ah iyo sida uu qof u sameyn karo isbeddel togan oo mudo dheer joogto ah. Wariayaha VOA ee qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail ayuu Ibraahim uga waramay daraasaddan waxaanu ku bilaabayaa faahfaahin ku saabsan daraasada uu sameeyey
Your browser doesn’t support HTML5
Joojinta Balwadaha bisha Ramadan