Shilkii ugu xumaa ee hubka nukliyeerka oo weli aanay ka heshiin Maraykanka iyo Spain

FILE - Technicians of the U.S. Air Force use rubber gloves while picking up pieces of the wreckage and placing them in cardboard boxes in Palomares, Spain, Jan. 28, 1966.

MADRID - Spain ayaa markale weydiisatay dalka Maraykanku inuu nadiifiyo hadhaaga hubka nukliyeerka ee ka dhashay, mid ka mida shilalkii ugu xumaa ee caalamka soo mara, ka dib markii ay shil gashay diyaarad uu leeyahay Maraykanka oo xambaarsanayd hubka nukliyeerka, taas oo ay isku dhaceen diyaarad kale oo shidaal siinaysay.

Madrid ayaa rajaynaysa in xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Maraykanku, inuu keeno in Washington ay ka dhabayso ballanqaadkeedii ay samaysay sannadkii 2015 ee ahaa inay nadiifiyaan ciidda sumaysan.

Shilkan ayaa dhacay sannadkii 1966-kii, xilligaas oo diyaarad nooca B-52 ah oo xambaarsanayd afar madax oo hubka nukliyeerka ah, oo ay isku dhaceen diyaaraddii shidaalka siinaysay, ay sababtay in hubkii ay xambaarsanayd uu ku soo dhaco tuulada Palomares ee ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Spain.

Madaxyada hubka nukliyeerka oo aan qarxin ayaa ku soo dhacay dhulka, hase ahaatee laba ka mid ah ayaa sii daayey maadada Plutonium, taasoo sumaysay dhul cabbirkiisu gaadhayo illaa laba kiiloo meter oo isku wareega.

Maraykanka ayaa xilligaas u soo diray deegaanka uu shilku ka dhacay, illaa 1,600 oo ka mida ciidamada cirka Maraykanka, si ay u nadiifiyaan, hase ahaatee waxaa la bixiyey qalab aad u kooban oo ay iskaga celin karaan shucaaca. Qaar ka mida ciidankaas ayaa mar dambe geeriyooday.

Intii ciidankaasi ay hawlgalka nadiifinta ah wadeen waxay goobtaas ka qaadeen ciid wasakhawday oo gaadhaysa illaa 1,400 oo ton, waxaana la geeyey goob ku taalla gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka.

Xilligaasi waxay ahayd, xilliyadii uu meesha ugu sarraysa marayey dagaalkii qaboobaa, xaaladduna waxay ahayd mid xasaasi ah. Washington waxay xilligaas go'aansatay inay si degdeg ah meesha uga saarto nooc kasta oo caddaymo ah oo muujinaya shilkaas hubka nukliyeerka, oo ahaa kii ugu weynaa taariikhda ee ku saabsan hubka nukliyeerka.

Ka dib daraasado is xigxiga oo laga sameeyey goobtaas, ugu dambayn hay'adda badbaadada hubka nukliyeerka ee dalka Spain ayaa sannadkii 2007 waxay soo saareen in illaa 50,000 oo meter oo isku wareega, oo dhul ah, inay weli sumaysan yihiin. Goobtaas ayaa la deyray, waxaana laga mamnuucay in la manaafacaadsado.

Ka dib sannado badan oo ay Madrid culays saaraysay Maraykanka, ayaa sannadkii 2015 waxaa Maraykanku uu saxeexay bayaan ay ujeedadiisu tahay in Maraykanku uu qodo goobta shilku ka dhacay, isla markaana uu meesha ka saaro ciidda sumaysan, kuna aaso meelo ammaan ah oo ku yaalla saxaraha Las Vegas ee ku yaalla gobolka Nevada ee dalka Maraykanka.

Hase ahaatee tan iyo xilligaas, lama gaadhin wax heshiis ah oo dhamaystiran, lamana qaadin wax tallaabo ah.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Spain ayaa meel hoose gaadhay, xilligii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump, hase ahaatee, waxay rajaynayaan in xidhiidhka labada dal uu hagaago inta uu xilka hayo madaxweyne Biden.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha debedda ee Spain oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay VOA in Spain ay markale si rasmi ah uga codsatay Maraykanka, inuu soo daadgureeyo ciidda sumaysan ee taalla goobtii uu shilku ka dhacay, hase ahaatee illaa haatan wax jawaab ah kama helin dhinaca Maraykanka.

Warbixintan waxaa qoray Graham Keeley, waxaana qaybo ka mida laga soo xigtay AP