Militariga Kenya oo hub ka-dhigis ku sameynaya 'burcad' ka dillaacday gobollada Waqooyiga

Ciidamada Kenya

Ciidamada militeriga Dowladda Kenya ayaa billaabay hawlgallo ay hubka uga dhigayaan kooxo hubaysan oo lagu eedeeyay inay dilal iyo dhacay ka gaysteen ilaa lix gobbol.

Kooxahan hubaysan ayaa dalka Kenya ku tilay ilaa 100 qof oo rayid ah iyo inka badan 16 askar ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, sida uu dhowaan sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Hadaba maxay tahay saamaynta ka dhallan karta hawlgallada ay dowladda Kenya ay ku doonayso inay hubka uga dhigto kooxaha hubaysan? Anas Cabdirizaak Maxamed oo fallanqeeya arrimaha Kenya ayaa waxaa uu arrintaasi uu uga warramay wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Militaryga Kenya oo hub ka dhigis ku sameynaya burcad ka dillaacday waqooyiga.mp3