Waxaa wali sii kordheysa tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii Isniintii hore ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya, iyadoo dhimashada labadaasi dal ay gaartay 36,000 oo qof.
Tirada ayaa wali laga cabsi qabaa in ay kor u sii kacdo, iyadoo kooxaha samatabixintu ay hadda dadaalkooda ka weecinayaan in burburka dhismayaasha ay dad ka raadiyaan una jeesteen in guryo loo helo dadka badbaaday, oo cunno iyo daryeel caafimaad u fidiyaan.
Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa arrimahan ka wareystay Cawaale Axmed Darfac oo ku noolaa magaalada Gaziantep ee ka mid ah goobaha uu dhul-gariirku sida xun ugu dhuftay, laakin hadda ku sugan magaalada caasimadda ah ee Ankara.
Your browser doesn’t support HTML5
Wararkii ugu dambeeyey dhul-gariirkii ku dhuftay Turkey iyo Syria