Soomaalida Canada oo dalbaday in caddaalad loo helo Cali Xuseen Jibriil oo meydkiisa la helay

Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa laamaha ammaanka ee dalkaasi ka dalbanaya sidii uu caddaalad u heli lahaa Allaha u naxariistee Cali Xuseen Jibriil oo billowgii bishan meydkiisa laga helay magaaladaasi, kadib muddo ku dhow laba bil oo la la’aa marxuumka.

Allaha u naxariistee Cali Xuseen Jibriil ayaa lagu aasay magaalada Edmonton. Marxuumka ayaa ka tagay xaas iyo carruur.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdirisaaq Ismaaciil Cirro oo kamid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee gobolka Alberta.

Your browser doesn’t support HTML5

Jaaliyadda Canada.mp3